5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo ka socda Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 20, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu halkaas ka socdo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo u dhaxeeya Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee kala raacsan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Xildhibaannada ka soo horjeeda Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo ay la jiraan xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada ayaa waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan in Xukuumadda ay codka kalsoonida ku weydiisato Baarlamaanka, halka Xildhibaannada taageersanna ay leeyihiin Xukuumadda weli waqtigii kama dhamaanin, umana baahna in cod kalsooni ah Baarlamaanka warsato.

 

Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen Xubno Wasiirro ah oo ka soo horjeeda Siyaasadaha Ra’iisal Wasaare Geeddi, kuwaasi oo kulankooda lagu sheegay in uu ahaa mid ay uga arrinsanayeen xaaladda ay haatan ku sugan tahay Dowladda Federaalka, inkastoo ay kulanka ku saxiixayeen mooshin loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, kaasi oo ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Kulan kale oo midkaas ka dhan ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacayaa Hotelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasina ay isugu imaanayaan Xildhibaannada taageersan Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa oo ay u soo dhamaaday booqasho seddex cisho ah oo uu ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa in uu maanta dib ugu laabto magaalada Baydhabo, isla markaana uu hadal ka jeediyo kulanka ay Xildhibaannada taageersan ku leeyihiin Hotelka uu degan yahay ee Bakiin.

 

Ugu dambeyntiina, Kulamadan is-barbar socda ee Baydhabo ka socda ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu Addisa Ababa ka sheegay in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf lagu xalinayo Baarlamaanka hortiisa, isago meesha ka saaray in dalka dibaddiisa lagu dhexdhexaadinayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).