5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ku Simaha Guddoomiyaha Idaacadda Shabeelle oo xalay Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 20, 2007(HOL): Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho Alle ha u naxariistee Bashiir Nuur Geeddi oo ahaa Ku simaha Guddoomiyaha Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

 

Marxuumka ayaa la sheegay in ay dileen kooxo bastoolado ku hubeysnaa xili uu horfadhiyay gurigiisa hortiisa, waxaana la xaqiijiyay in ay kooxahaas bartilmaameedsanayeen marxuumka.

 

Lama garanayo ilaa iyo haatan sababtii loo dilay marxuumka oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada Muqdisho, wuxuuse dilkiisa ku soo beegmayaa xili ay magaalada Muqdisho ka dhacayaan dilal qorsheysan oo loo geysto Dadka Rayidka ah

 

Marxuumka ayaa la filayaa in maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho, iyadoo geerida ku timidna ay si weyn uga naxeen, Qoyskiisa, Qaraabadiisa iyo weliba saaxibadii uu lahaa.

 

11-kii  Agoosto ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Idaacadda Horn Afrik.

 

Sikastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha u dooda Saxaafadda iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen dilalka iyotacaddiyada  loo geysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in la soo qabto kooxaha falalkaas ka dambeeya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).