5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo ka hadlay xariga Madaxa Xafiiska WFP ee magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 20, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Madaxa Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda WFP ay baaris ku hayaan Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xaaladdiisa ay hagaagsan tahay.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo wariyayaal kula hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in haddii Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Idiris Maxamed Cusmaan uu dembi yeesho sharciga la marsiin doono, haddii dembi lagu waayana si shuruud la’aan ah lagu sii deyn doono.

 

Ra’iisal Wasaaraha oo ka gaabsaday waxa uu yahay dembiga uu geli karo Sarkaal u shaqeeya Hay’adaha UN-ka waxaa uu sheegay in halka uu ku xiran yahay Idiris Maxamed Cusmaan ay tahay meel nadaafaddeeda wanaagsan tahay oo xasiloon oo ay ku booqadaan ehelladiisa.

 

Xariga ay Ciidamada Dowladda Federaalka u geysteen Idiris Maxamed Cusmaan ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, kaasi oo ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sarkaalkaas si shuruud la’aan ah ku sii deyso.

 

Sida aan ka soo xiganay Saraakiil ka tirsan Xafiiska WFP ee Muqdisho waxaa magaalada Baydhabo ka socda Wada Hadallol lagu sii deynayo Idiris Maxamed Cusmaan, kaasi oo ay leeyihiin Saraakiil ka socda UN-ka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in sarkaalkaas uu xoriyaddiisa dib u helo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa mar sii horeysay waxaa uu Hay’adda WFP ku eedeeyay in ay Raashin dhacay oo aan la cuni karin ay Dadka u qeybiyaan, iyagoo weliba ku soo beega xiliga uu soo go’o Dalagga Beeraha, walow ay eedeyntaas isku dhinac dhigtay Hay’adda WFP.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).