Jimco, October 19, 2007(HOL): Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa maanta ka kaxaystay xafiiskiisa Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan (Black) iyadoo ciidammadu ay ugu galeen mas’uulkaan xaruntiisa shaqo.
Wariye ka tirsan wargeyska Ayaamaha oo xilligaas ku sugnaa dhismaha uu xafiiska wargeysku ku yaallo, balse ka badbaaday inay ciidammadu qabtaan ayaa sheegay in ciidamadu ay kaxaysteen Tifaftire C/llaahi Maxamed Xasan (Balck) iyo mid ka mid ah shaqaalaha wargeyska oo xilligaas xafiiska kula sugnaa, iyadoo aan la garnayn halka ay la abbaareen.
C/llaahi Black, ayaa xilliga la qabanayay ku gudo jiray howlihiisa shaqo, isagoo isku duwayay wararka kala duwan ee Wargeyska Ayaamaha oo ka mid ah wargeysyada madaxa bannaan ee ka soo baxa Muqdisho, waxaana xariggiisa dhaleeceynaya bahdda Saxaafadda Soomaaliyeed.
Booliiska Dowladda ayaa waxay caado ka dhigteen inay xirixiraan saxafiyiinta howlahooda shaqo ku jiray, waxaana tani ay keentay in shaqaalaha suxufiyiinta ka shaqeeya gudaha
Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan Black ayaa ka qalin jabiyay kuliyadda saxaafadda ee Lafoole, wuxuuna kasoo shaqeeyay Telefishinkii
Intii ay socdeen dagaallada sokeeye, wuxuu ahaa Madaxa iyo Tifaftiraha Wargeyska Ayaamaha ee Muqdisho kasoo baxa; isagoo ku soo shaqeeyay marxalado kala duwan oo dalka uu ku jiray, waxaana ciidammada Dowladda laga dalbayaa inay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan saxafigaas weyn ee Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






