9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Qaraxyo iyo Is-raaseyn ka dhacday qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 19, 2007(HOL): Qaraxyo iyo is-rasaaseyn ayaa maanta waxay ka dhaceen qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, iyadoo Qaraxyadaasina ay ahaayeen kuwo lala beegsanayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Qaraxyada iyo Is-rasaaseynta dhexmaray labada dhinac ayaa waxay bilowdeen kadib markii ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay isku dayeen in ay howlgallo ka fuliyaan Isgoyska Kaasabolbollaare iyo Bakaaraha, kuwaasi oo markii ay howlgallada bilaabeen ay weerar ku qaadeen Kooxo hubeysan.

 

Inta u dhaxeysa Isgoysyada Kaasabobollaare iyo Howl-wadaag ayaa waxaa laga maqlayay rasaas xooggan iyo madaafiic ay labada dhinac isku ridayeen, kuwaasi oo Dad Rayid ah oo ka dhawaa halka dagaalka ka dhacay soo gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 

Ciidamo kale oo ku sugnaa Isgoska Howl-wadaag ayaa iyana waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan, waxaana halkaas laga maqlayay madaafiic culus oo ay ku jireen qoryaha lidka diyaaradaha iyo weliba midka B10.

 

Sidoo kalena, madaafiic aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa intii ay iska hor-imaadyada socdeen waxay ku dhaceen meel aan  u dheereyn Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaaraha Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom iyo weliba Shirkaddda Xawaalada Amal.

 

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu rasmi ahaan geystay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in uu geystay dhimashada Afar Ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Iska hor-imaadyada hubeysan ee mar kasta Muqdisho ku dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa had iyo jeer waxay waxyeello ka soo gaartaa Dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn dagaalka, kadib marka ay dhinacyada dagaallama isku ridaan madaafiic iyo rasaas aan loo meel dayin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).