9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Saraakiil UN-ka ka socda iyo Dowladda Federaalka oo ka wada hadlaya Xarig loo geystay Madaxa WFP ee Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 19, 2007(HOL):  Sida aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Xafiiska WFP ee magaalada Muqdisho waxaa socda dadaallo lagu sii deynayo Madaxa Xafiiska WFP ee Magaalada Muqdisho Mr. Idiris Maxamed Cusmaan oo maalintii labaad xabsi ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Saraakiil ka socota UN-ka ayaa la sheegay in ay magaalada Baydhabo u tageen sidii ay madaxda Dowladda Federaalka wada hadal ugala yeelan lahaayeen sidii loo sii deyn lahaa Sarkaalkaas madaxda ka ahaa Xafiiska WFP ee magaalada Muqdisho.

 

Saraakiil kale oo ka socday Hay’ad UN-ka u qaabilsan Horumarinta Ammaanka iyo Badbaadada oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo UNDSS ayaa maalintii shalay ahayd waxaa ay xabsiga Baarista Xisbiga ku booqdeen Idiris Maxamed Cusmaan, kaasi oo ay soo ogaanayeen sida uu xaalkiisa yahay.

 

Sarkaal u hadlay Xafiiska WFP ee Muqdisho balse diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa HOL u sheegay in xaaladda caafimaad ee Mr. Idiris Maxamed Cusmaan ay tahay mid hagaagsan, balse waxa kaliya ee ka maqan ay tahay xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd.

 

Xarigga loo geystay Sarkaalkan waxaa ka hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, kaasi oo sheegay in xariga loo geystay Idiris Maxamed Cusmaan uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana looga baahan yahay Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ay ku sii deyso.

 

Sidoo kalena, waxaa xarigga Sarkaalkaas ka hadlay Odayaasha Beesha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad, kuwaasi oo dalbaday in ay Dowladda Federaalka soo deyso mas’uulkaas oo sida ay yiraahdeen howl muhiim ah u hayay Shacabka Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa mar sii horeysay waxaa uu Hay’adda WFP ku eedeeyay in ay Raashin dhacay oo aan la cuni karin ay Dadka u qeybiyaan, iyagoo weliba ku soo beega xiliga uu soo go’o Dalagga Beeraha, walow ay eedeyntaas isku dhinac dhigtay Hay’adda WFP.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).