9.9 C
London
Sunday, October 26, 2025

Lacag Sadaqo ah oo Cadaado laga qeybiyey

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 19, 2007(HOL):  Lacag sadaqo ah ayaa magaalada Cadaado Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya loo qeybiyey qof oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool deegaankaas.

 

Lacagtan oo ay bixiyeen gabdho muslimiin ah oo ku nool dalka Ingiriiska Gobolka Brigham waxayna ugu tala galeen in la siiyo dadkan oo laga soo kala xulay dadka aan waxba haysan ee isugu jira agoon iyo dad kale oo danyar ah.

 

Lacagtan la siiyey dadka danyarta ah ayaa qofkiiba loo qoondeeyey $10 Doolar waxaana guddoonsiiyey Sh. Cabdi Cali Mire oo uu lacagtan isna soo gaarsiiyey Duraan Ciise Ciid oo wakiil ka ah gabdhaha lacagta sadaqaystay.

 

Hinda Xaashi Cali oo ka mid ah dadka lacagta la gudoonsiiyey ayaa u mahadceliday gabdhaha lacagta ku sadaqaystay waxayna sheegtay in ay wadato koox caruur ah oo agoon ah lacagtana ay aad ugu baahnaayeen iyada iyo carruurteedu.

 

Sidoo kale Faadumo Aadan Warsame oo iyana agoonley ah ayaa sheegtay in lacagtan ay aad ugu farxeen isla markaasna u mahadcelinayaan dadka ku sadaqaystay.

 

Cilmi Nuure Wehliye

cilmi_nuure@hotmail.com

Cadaado-Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).