Arbaco,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo maanta shir guddoominayay fadhi uu Baarlamaanka Soomaaliya Baydhabo ku lahaa ayaa caddeeyay in Ra’iisal Wasaaraha looga yeeray Magaalada Addis Ababa, isagoo caddeeyay in ay u yeereen Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee Addis Ababa ku sugan iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in socdaalka Ra’iisal Wasaaraha dartiis muddo labo maalmood ah la hakiyay Dooddii ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka lahaayeen kala dooraashada labo mooshin oo kala ah in la sii wado Ajende Baarlamaanka horyaalay oo ku saabsanaa la xisaabtanka Xukuumadda iyo in Codka Kalsoonida loo qaado Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi oo xildhibaannada qaarkood ay ku doodayaan in uu waqtigii ka dhamaaday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Mas’uuliyiinta la soo xiriirtay ee Dowladda Itoobiya ay isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka codsadeen in ay iyana tagaan Magaalada Addis Ababa, hayeeshee ma uusan caddeynin in ay Addis Ababa tegayaan iyo in kale.
U yeeritaanka Ra’iisal Wasaare Geeddi looga yeeray magaalada Addis Ababa ayuu ku fasiray Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay la xiriirto iyadoo ay Beesha Caalamka si weyn uga walaacsan tahay xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Muqdisho iyo Gobollada Jubbooyinka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waa markii labaad oo ay Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya ku soo baxaan khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, waxaana mar sii horeysay Baydhabo u tegay xalinta khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Federaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen, kaasi oo heshiisiiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isku dhinac ahaa iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dhinac kale ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






