10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Shuhada SNM oo lagu qabtay Hargeysa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaca, 17 October 2007 (HOL)- Munaasibad lagu Xusayay Maalinta Shuhada Ururka SNM, oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala tirsan Xukuumadda Somaliland, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal, Saraakiil ka tirsan Ururka SNM iyo Marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa.

 

Xafladdan oo ay soo qaban-qaabisay Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal, ayaa Masuuliyiinta ka soo qayb galay ee halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeediyay, waxa ka mid ahaa, Wasiirrada Arrimaha Dibedda Somailland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Hawlaha Guud Siciid Sulub, Wasiir ku-xigeenka Caddaaladda Yuusuf-Tallaabo, Guddoomiyaha Ururka SNM Muj. Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiyaha 2aad ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed (Waqaf) iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. Kuwaas oo ka kala socday qaybo kala duwan. Hase ahaatee, waxa xusid mudan inaanay halkaasi ka soo xaadirin, isla markaana aanay iman Masuuliyiin ka socota Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Kulmiye, oo la filayay inay iman doonaan.

 

Dhammaan Masuuliyiinta halkaasi ka hadashay waxay aad ugu dheeraadeen Taariikhda ay xambaarsan tahay maalinta Shuhadad SNM oo sanad kasta la xuso 17 October.

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).