10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Magaalada Beledweyne oo habeenkii xalay jawigeedu uu ahaa mid Dagaal

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 17, 2007(HOL): Xaalada Magaalada Beledweyne ayaa u muuqata mid sii xumeysa kadib markii ay ku soo bateen weeraro iyo qaraxyo is daba joog ah oo  lala beegsanayo Ciidamada Dowlada Federaalka ee Gobalka Hiiraan oo kii ugu danbeeyay hebeemadii xalay lagu weeraray Gaari (Cabdi Bile ah ) oo ay la socdeen Ciidamada Dowlada Federaalka.

 

Weerarka Gaariga oo loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga Tuuro ah ayaa waxaa xigay rasaas culus oo ay Ridiyeen Ciidamda Dowlada Federaalka taasoo mar marka qaarna  u muuqatay mid lays-weydaarsanayo, waxaana ay ciidamada markiiba xireen dhamaan Isgoosyada Magaalada iyagoo sidoo kalana dadka ku amray in ay xiraan Goobahooda gacasiga.

 

Guddoomiyaha Degamada Beledweye  Cilmi Saney Qaasim oo saakay warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay magalada uu ahaa mid isaga la doonayay in lagu qaarajiyo waayo ayuu yiri xiligaa waxaan taagnaa goob aan ka fogeyn halka Qaraxu ka dhacay, waxaana uu intaa ku daray Gudoomiyuhu in Xaalada magaaladu tahay mid aan hagaasneyn loona baahan in laga qaado talaabo ka badan sida uu  hadalka u dhigay inta hada Ciidamadu ka qaadayaan.

 

Laakiin marka dhinac laga eego sheegashada Gudoomiyaha Degmada ee ah in isaga lala damacsanaa wararkii xalay ayaa la oran karaa waa mid aan si dhab ah u cadeyn maadaama kooxda wararka soo qaaday si toos u beegsadeen gaariga Cabdi Bilaha ah.

 

Sidoo kale isla habeenimadii xalay wax yar uu ka dib markii uu qaraxu dhacay ayaa kooxu hubeysan oo  aan lagaraneyn waxaa ay weerar ku qaadeen Taliye xigeenka Nabad-sugida Gobalka G/Sare C/risaaq Aadan  kaasoo uu soo gaaaray sida la ii xaqiijiyay dhaawac fudud.

 

Marka la eego sida xaalada magaaladu tahay maalmihii ugu danbeeyay waxaa ay dad badani qabaan in arimuhu u eg-yihiin xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho oo kale maadaama magaaladu maalintii tahay mid Nabdoon habeenkiina la maqlayo Rasaas iyo Qaraxyo aan la ogeyn cida is weydaarsaneysa.

 

Sidoo kale waxaa xusid mudan in wararkii habeenimadii xalay uu ku soo beegmay xili maalintii shalay qeybo ka mid ah Ciidamada Maamulka Gobalku sameeyeen Gadood ay kaga cabanayaan mashaaraadka oo aan la siin islamarkaana waxaan meesha ka marneyn in wararkii xalay uu ka danbeeya howl-gal habeenkii ka horeeyay ciidamada Nabad-galyadu ka sameeyeen Xaafada Buudo-weyn   ee magaalada Beledweyne  kaasoo lagu qab-qatay in ka badan 60 dhalin yaro ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).