8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Hiiraan oo muddo kooban hakad geliyay isu socodka Dadka Magaalada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 16, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata maamulka Gobolka Hiiraan ayaa muddo kooban waxay maanta hakad geliyeen isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala goosha Bariga iyo Galbeedka Magaalada Beledweyne kadib markii ay xireen Buundada Liiq-liiqato oo muhiim u ah isu socodka Dadka ku wada dhaqan magaaladaas.

 

Ciidamadan oo la sheegay in ay ka amar qaataan Abaanduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka Gobolka Hiiraan ninka lagu magacaabo C/raxmaan Shiikh Ibraahim ayaa sababta ay u xireen buundadaas waxaa lala xiriiriyay mushaar la’aan la soo deristay muddo bil ah.

 

Ciidamada oo Bir ku gooyay Buundada Liiq-liiqato ayaa waxay sheegeen in aysan muddo bil ah qaadan wax mushaarooyin ah, isla markaana mushaarkoodii qaab beeleed loo kala qeybsaday, waa sida ay yiraahdeen Horjoogayaal u hadlay Ciidamadaase.

 

Markii ay Ciidamadu muddo u xirneyd Buundadaas ayaa waxaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in Ciidamada meesha laga kaxeeyo kadib markii ay gadoodka ciidamadaas ku soo baxeen Nabaddoonno Reer Hiiraan ah oo uu horkacayay Nabaddoon Maxamed Cumar Baashaay.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) uu sheegay in uusan qaadaneyn in ay ciidamo badan mushaar ka qaataan maamulkiisa, isla markaana aysan wax ka qaban falal nabadgelyo darro ah oo beryahan ka dhacayay Magaalada Beledweyne.

 

Ugu dambeyntiina, maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan ee uu guddoomiyaha ka ahaa Xuseen Muxumed Maalin ayaa waxaa hareeyay oo uu ugu dambeyntiina la dhacay fadeexad ka dhalatay musuqmaasuq lagu sameeyay lacago canshuuro ah oo Dadka gobolka laga qaaday, taasi oo aan wax looga qaban arrimaha Nabadgelyada iyo Bulshada Gobolka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).