8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamada Ammaanka Gobolka Hiiraan oo howlgal ay sameeyeen ku soo qabqabtay in ka badan 60 dhalinyaro ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 16, 2007(HOL): Ciidamada Amaanka Gobalka Hiiraan ayaa habeenimadii xalay howl-gal ay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadah Magaalada Beledweyne ku soo qab-qatay in ka badan 60 dhalin yaro ah kuwaasoo lagu eedeyay in ay qayb ka yihiin falalka amaan daro ee Maalmihii ugu danbeeyay ka taagnaa qeybo ka mid ah  Magaalada.

 

Howl-galka oo intiisa badan ka dhacay xaafada Buunda-weyne ee Magaalada Beledweyne ayaa ka danbeeyay Dil habeen hore xaafadaa loogu geystay Wiil dhalin-yaro ah oo sida la sheegay kooxo soo weraray ka qaateen Telefooka Gacanta ee (Mopelka) iyada oo sidoo kalana isla Xaafadaa lagu dhaawac Madax Canshuura Degmada Beledweyn.

 

Dhalin-yarada la soo xir xiray oo hada ku jira  Saldhiga dhaxe ee Magaalada Beledweyne ayaa sida uu sheegay ku simaha Taliyaha Saldhiga Booliska G/Sare Xareed Nuur Faarax waxaa lagu wadaa in la soo saaro Maxkamad si markaa loo kala saaro kuwa danbiilayaasha ah kuwa aan wax dabi ah laheyn, waxaana uu intaa ku daray in howl-galku aheyn mid ku samin xaafada Buundo-weyn oo kaliya lakiin lagu baahin doono Xaafadaha Magaalada oo idil.

 

Marka la eego xaalada guud ee magaalada Beledweyne ayaa la oran karaa ma’aheyn maalmihii aynu soo dhaafnay mid degan, waxaana jiray dilal iyo qaraxyo is daba joog ah oo ka dhacayay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada oo kii ugu danbeeyay maalintii shalay ay ku dhinteen labo caruur ah.

 

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ka hadlayay falalka amaan daro ayaa arintaa ku eedeyay Ciidamada Nabad-galyada oo sida uu sheegay ka gaabiyay wax ka qabashada Nabad-galyada guud, ma ahan in Ciidamada la arko marka ay Mashiraaka qaadanayaan oo kaliya ayuu yiri gudoomiyaha oo dhanka kale ku canaantay Ciidamada hadii aysan waxba ka qaban karin xaalada Nabad-galyo in ay meesha baneeyaan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).