8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

Caruur ku geeriyootay Qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 15, 2007(HOL): Labo Caruur ah ayaa ku geeriyootay Qarax aad u weyn oo goor dhaw ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyn kadib markii sida sheegeen dad goob joog ah goobta Caruurtu ku geeriyootay uu ku soo dhacay hub aad u culus oo aan la garan halka laga soo tuuray.

 

Caruurta dhamatay oo sida la sheegay ahaa walaalo xiligaa ku sii jeeday Beer ay ku lahaayeen meel aan ka fogeyn magaalada ayaa la kala garan waayay Hilbahooda sida uu sheegay Goob jooge u waramay HOL.

 

Taliya qeybta Booliska ee Magaalada Beledweyne G/Sare Aadan Cadow oo markii danbe tagay goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in hubka qaraxay laga soo tuuray sida uu hadalka u dhigay fariisinka Ciidamada Itoobiya ee Jante-guudisho, waxaana uu intaa ku daray in  sababta arintaa baritaan lagu sameyn doono.

 

Xaaladda guud ee Magaalada Beledweyne ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay aheyd mid aan hagaag saneyn, mana aha markii ugu horeysay oo sida oo kale la maqlo Qarax kan oo kale ah, waxaana falalkana Nabad-galyo daro ee ka soo cusboonaaday Magaalada Beledweyne kii ugu danbeeyay heenimadii xalay lagu dilay Wiil dhalin yaro ah oo sida la sheegay kooxaha dilay ka qaateen  Teleefoonka gacanta.

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo arrimahan ka hadlayna waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Nabad-galyada in ay ka gaabiyeen howlihii loo xilsaaray, isaga oo faray hadii aysan waxba ka qaban karin xaalada nabad-galyo loo baahan yahay in ay meesha baneeyaan si markaa bulshadu markaa amaankeeda u sugato.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).