8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

Dagaal ka qarxay Deegaananada Laascaanood iyo Dareenka Shacabka reer Hargeysa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Hargeysa (HOL)- Wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka uu dagaal dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo muddaba isku hor fadhiyay deegaanada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ay labada dhinac ka soo saareen arrintan, haddana sida ay sheegayaan wararka laga helayo goob-joogayaal ku sugan Magaalada Laascaanood, dagaalkaasi kadib waxay Ciidamada Somaliland qabsadeen Magaalada Laascaanood oo sida la sheegay ay ka gudbeen. Iyaga oo u sii jeeda dhinaca Xuduudka kala qaybiya Laascaanood iyo Garowe. Waxaanay wararku intaa ku darayaan in ay gacanta ku dhigeen Maxaabiis iyo Tikniko.

 

Dhinaca kale, sida uu ii xaqiijiyey Weriye ku sugan Magaalada Garowe, Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab, oo ka hor intii aanu dagaalku qarxin ku sugnaa Laascaanood, ayaa dagaalka kadib tegay Magaalada Garowe, isla markaana abaabulay Ciidan. Kaas oo sida Weriyahaasi ii sheegay isaga iyo Ciidan uu wataa u soo amba-baxeen dhinaca Magaalada Laascaanood iyo Jiidda Dagaalka.

 

Dareenka ay dagaalkan qarxay ka qabaan dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa ah mid ay u dheg taagayaan wararka ka imanaya dhinaca Magaalada Laascaanood, Isla markaana shucuurtoodu u jeeddo maxsuulka dagaalka, Iyadoo ay adag tahay sida loola xidhiidho Magaalada Laascaanood oo badi Isgaadhsintu ka go’an tahay, marka laga reebo in yar oo ka mid ah. Taas oo aan saamaxayn in war rasmi ah laga helo xogta Dagaalka.

 

Dagaalkan ayaa waxaa dhawr iyo toban Saacadood uun ka dambeeyay, dhawaaq nabadeed oo ka xalay fiidkii ka soo yeedhay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee Gobolka Togdheer. Kaas oo labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ugu baaqay in arrinta Sool lagu dhameeyo nabad iyo waan-waan.

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).