9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Xaaladda Magaalada Baydhabo oo aad u kacsan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, Octoobar 14, 2007

Baydhabo (HOL) – Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa aad u kacsan ka dib markii uu qarax ka dhacay xaafadda Isha. Qaraxaas oo ahaa bambo gacmeed ayaan wax dhimasho ah geysanin, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Maxamed Barbaar.

Qaraxaas kadib ayaa waxaa la soo sheegay in uu hal qof ku dhintay xabado ay soo tuureen ciidamada dowladda ee halkaas ku sugnaa, kuwaasi oo rasaas furay kadib markii ay qaraxa maqleen, waxaana qofka dhaawacmay loola cararay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Iyadoo ay cabsi weyn ka jirto magaalada Baydhabo ayaa haddan waxaa magaalada ku soo qulqulayo Ciidamo tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo magaalada oo dhan ka dhan aag Ciidan.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saareen qaraxaas ka dhacay magaalada Baydhabo, marka laga reebo dad ay Ciidamada Dowladda u xirxireen qaraxaas, kuwaasi oo looga shakiyay in ay qaraxa ka dambeeyeen ama xitaa ay wax ka ogaayeen.

Xaaladda qalafsan oo ay ku sugantahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo aaneeynayaa khilaaf weyn ee u dhexeeyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi oo ciidamo tiro badan oo ka amar qaata ay ku wada sugan yihiin Magaalada Baydhabo.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax aad u weyn oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qaraxay Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey, taasi oo haatan fariisin u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Baydhabo ku sugan. Halkaas waxaa la sheegay in ay ku dhinteen, ku dhaawacmeen Askar Itoobiyaan ah oo aan la helin tiradooda oo sugan.

Hiiraan Online News Desk

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).