Axad,
Sababta dib loogu dhigay kulankii ay Mudanayaasha Baarlamaanka yeelan lahaayeen ayay qaar ka mid ah Xoghaynnada Baarlamaanka ku sheegeen in ay la xiriirto ammaanka xarunta ADC-da ee u u Baarlamaanka ku shiro oo aan sugneyn.
Xoghaynnada waxay sheegeen in kulankaas la qaban doono maalinta Talaadada ah ee soo socota, inta ka horeysana wax laga qaban doono xaaladda ammaanka ee Magaalada Baydhabo, gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka oo ku taala meel ka baxsan magaalada Baydhabo.
Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ammaanka Xarunta Baarlamaanka loo xil-saari doono Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka madax bannaan ciidamada madaxda sare ee Dowladda Federaalka.
Kulankii ay maanta yeelan lahaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa haddii uu qabsoomi lahaa waxaa looga hadli lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed, kaasi oo haatan u muuqda in uu cirka isku sii shareerayo.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya ee la doonayo in ay qaab sharci ah u eegaan khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay la kala safan yihiin madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo taasina ay ka imaaneyso sida ay xildhibaanno aan dhexdhexaad ahayn ay ugu cadaalad sameyn karaan labada mas’uul ee is-haya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






