9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in ay la dagaalamayaan Muqaadaraad ku soo badanaya Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 14, 2007(HOL): Guddiga Ammaanka Qaranka  oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu la dagaallamayo Muqadaraad ku soo badanaya Magaalada Muqdisho.

 

Guddiga Ammaanka Qaranka waxaa uu sheegay in muqadaraadka uu yahay waxyaabaha ugu badan ee nabadgelyo darrada keena, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto.

 

Muqaadaraadka uu la dagaallamayo Guddiga Ammaanka Qaranka ayuu ku sheegay Khamriga Calaqa ah iyo Xashiishka, kuwaasi oo haatan Muqdisho si qarsoodi ah loogu iibiyo.

 

Shirkaas ayaa gunaanadkiisii waxaa lagu magacaaabay Madaxa la-dagaalanka Muqaadaraadka Gobolka Banaadir, kaasi oo ah Nuur Xasan Cali (Nuur Daqle) oo horay ugu magacaawnaa Agaasimaha Nabadgelyada Gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in Madaxa La-dagaalka Muqaadaraadka Gobolka Banaadir Nuur Xasan Cali (Nuur Daqle) la faray in uu wax ka qabto kooxaha muqaadaraadka ka ganacsada ee Muqdisho ku sugan, si uu u hagaago Ammaanka Gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere uu faray Guddoomiyayaasha Gobolka in ay la shaqeeyaan mas’uulka loo magacaabay la-dagaalanka muqaadaraaka, si uu waajibaadkiisa u guto.

 

Guddiga Ammaanka Qaranka oo aan weli meel saarin Ammaanka Muqdisho ayaa wuxuu haatan sheegayaa in uu wax ka qabanayo Kooxaha ka ganacsada Muqaadaraadka, iyadoo taasina ay dad badan ku tilmaamayaan mid ay ka horeyso in marka hore la sugo Ammaanka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacaya Qaraxyo, Iska hor-imaadyo hubeysan iyo Dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo sida la sheego ay ka dambeeyaan Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).