9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Muddo Seddex Sano ah kadib maxaa u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 14, 2007(HOL): Dowlada Federaalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay Magaalada Nerobi ee Dalka Kenya hadda waa ay Sadax sano jirsatay, waxaana la filayaa in Maanta Xaflad loo sameynayo Sanad-guuridii Sadaxaad ee ka soo wareegatay maalintii Xilka loo dhaariyay Madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed  lagu qabto Magaalada Beydhabo oo ay ku wada sugan yihiin isaga iyo R/iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

 

Hadaba Marka la eego mutada Sadaxda sano ah ayaa macnaheedu noqonayaa waxaa u dhiman Jirtaanka Dowlada mudo ku siman Labo sano oo kaliya sida ku qoran Axdi Qarmeedka DKMG ah,  Waxaase in lasys-weydiiyo mudan Maxaa u qabsoomay Dowlada Waqtigaa ay jirtay, Mase la oran karaa waa ay ku guuleystay inta badan wax ka qabashada howlhii loo soo xilsaaray.

 

Inkastoo mutadaa Sadaxda sano ah dowladu si dhab ah uga wada howl-galin gudaha dalka Soomaaliya maadaama ay jireen xoogag ku hor-gubanaa, ayaa hadana laga soo bilaabo markii ay tagtay caasimada Muqdisho ilaa maata waxaa hubaal ah in arimuhu wali isku dhax-yaacsan yihiin gaar ahaan dhinac nabad-galyada oo aysan ku guuleysan wali dowladu in ay wax badan ka qabato, Sidoo kale waxaa xusid mudan in Dabaal daga Xuska sanad-guuradii sadaxaad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Dowlada Federaalka lagu soo dhaweenayo khilaaf heerkiisii ugu sareeyay gaaray oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlada ee kala ah Madax-weynaha C/laahi Yuusuf iyo R/Iisul Wasaare Geedi.

 

Khilaafka labada dhinac oo ah mid meesha ka saareya in wax badan layska weydiiyo wax qabadkii dowlada mutadii ay soo dhisneyd ayaa dhinaca kale u sii gudbay gudaha mudanayaasha Baarlamaanka oo hada bilaabay siyaasado maldahan oo ay ku kala taageerayaan Mas’uuliyiinta Sare ee Dowlada.

 

Tusaale ahaan dhawaan ayeey aheyd markii Magaalada Beydhabo shir ay ku qabteen 22 Wasiir ku sheegeen in ay isaga baxayaan Xukuumada R/Iisul Wasaare Geedi mar hadii ay diiday in codka kalsoonida weydiisato Baarlaamka oo ah Fikirada uu qabo C/laahi Yuusuf Axmed,  Waxaana isla maalintii Xigtay kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo islamarkaana uu goob-joog ka ahaa R/Iisul Wasaare Geedi qaar ka mid ah wasiirada dowlada Federaalku ku canbaareeyeen kulankii ay qabteen 22-ka wasiir iyaga oo sheegay in wali aan la gaari waqtigii la xisaabin lahaa Xukuumada Geedi.

 

Sidaa daraadeed marka laysku geeyo halka Xaalka Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladu marayo iyo Waliba Nabad-galyo xumida ka taagan Ciismada Muqdisho oo ah Saldhigii Dowlada waxaa la oran karaa Sadax Sano kadib wali howluhu waa halkoodii,  waxaana hubaal ah in mar kale waqti badan lagu sii dhubin doono dib u hishiisiinta Mas’uuliyiinta Sar sare ee Dowlada  oo hadii aan khilaafkooda wax laga qaban qatar galin kara jritaanka Dowladii mutada dheer laga dhur-sugayay.

 

Shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwo ay soo daashadeed colaado aan dhamaad laheyn islamarkaana aan la ogeyn halka ay salka ku hayaan ayaan wali helin Neecaawdii Nabad-galyo, kuwooda ugu daranse waa kuwa ku nool caasimada Muqdisho oo wali dhagooda aysan ka daalin dhawaaqa hubka culus, oo ay u sii dheer tahay dilka micno darada ah ee lagu hayo dadka aan waxba galabsan oo ay ku jiraan kuwa aqoon-yahanka ah ee dalka wax u soo bartay, Xili wali Dowladu ku mashuuqsan tahay xal u helida Mashaqo siyaasadeed oo iyada ka dhax-oogan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).