Axad, October 14, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas ka socoto qaban qaabo loogu jiro xuska sanadguuradii seddexaad ee ka soo wareegatay markii la caleemo-saaray Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku beegneyd 14-kii Oktoobar 2004.
Xaflad lagu weyneynayo munaasabaddaas ayaa lagu soo waramayaa in laga qaban qaabinayo Magaalada Baydhabo, iyadoo xafladdaasina ay ka qeybgelayaan xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qudhooda ay hareeyeen khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in xafladdaas uu khudbad ka jeedin doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isagoo ka hadli doona waxyaabihii ay Dowladdiisa qabatay iyo wixii ay qaban weysay mudada uu madaxweynaha yahay oo seddex sano ah.
Marka laga soo tago ka qeybgalka xafladdaas ee Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha labada gole ee Dowladda lama xaqiijin in uu Xafladda ka qeybgeli doono Ra’iisal Wasaare Geeddi oo magaalada Baydhabo ku sugan sabab la xiriirtay khilaafka kala dhaxeeyay madaxweynaha oo sare u sii kacaya.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa waddooyinka magaalada lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo iyagoo hubeysan taagan waddo kasta oo soo gasha ama baxda magaalada Baydhabo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Axdiga KMG ah ee u degsan uu dhigayo in ay muddo 5 sano ah ka taliso Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxay gadaal marisay oo ka dhamaaday seddex sano oo ka mid ah shantii sano ee la soo doortay, iyadoo seddexda sano ee ay ka soo gudubtayna aan ku qaban wax la taaban karo oo ay ugu horeeyaan soo celinta nabadgelyadii, sharcigii iyo kala dambeyntii, iskaba daa in ay diyaariso Dastuurka Federaalka iyo in ay Shacbka Soomaaliyeed Afti ka qaadee.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






