9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dad Beeraley ah ku dhaawacay Deegaan ka tirsan Degmada Wanlaweyn kadib markii lagu weeraray Waxyaabo Qarxa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 13, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay nawaaxiga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenkii xalay ahaa waxay dhaawaceen labo ruux oo Beeraley ahaa, kuwaasi oo ay haleeshay rasaas ay Ciidamadu fureen xili ay Beerahooda dugaag ka ilaashanayeen.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay rasaasta fureen kadib markii lagu weeraray waxyaabaha qaraxa, iyadoo la sheegay in uu weerarkaas ka soo gaaray khasaare aan la caddeynin inta uu la egyahay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa la sheegay in ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho, iyagoo ka tegay dhinaca Magaalada Baydhabo oo dhawaan lagu qarxiyay Xero ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah, taasi oo ku taala meel u dhow Hotelka uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Qaraxa lala beegsaday Xerada ay Ciidamada ku jireen oo ah Warshaddii Oomada Avv. Xasey ayaa wuxuu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamadii halkaas ku jiray, iyadoo qaraxaasi oo mid xooggan ahaana uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Wiil dhalinyaro ah oo naftiisa huray.

 

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qaaday weerar xooggan oo loo adeegsaday madaafiic waa weyn iyo rasaas yar yar, iyadoo weerarkaasina uu socday muddo saacad ku dhow.

 

Ciidamada ayaa markii weerarkaas lagu qaaday waxay iyana ku jawaabeen madaafiic iyo rasaas xooggan, waxaana lagu soo waramayaa in Rasaastii waa weyneyd ee ay fureen ay ku dhacday Xaafado u dhow Suuqa Huriwaa, iyadoo halkaasina aan laga soo sheegin khasaare nafeed, marka laga reebo burbur hantiyeed oo uu geystay.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayaa had iyo jeer waxaa lala beegsadaa weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaqaaq ah, kuwaasi oo ay geystaan Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).