Jimco,
Dhaawaca soo gaaray Guddoomiyaha oo ahaa mid aan loola dan lahayn ayaa wuxuu yimid kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa nawaaxiga Wasaaraddii Sigaarka iyo Tarraqa lagu weeraray Waxyaabo qarxa, kadibna ay Ciidamadu fureen Rasaas tiro badan, taasi oo keentay in uu dhaawacmo Guddoomiyaha oo xiligaas Wadada gaari ku marayay.
Taliye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha ay xabad kaga dhacday Naaska hoostiisa, kadibna ay gadaal ka baxday, wuxuuna intaas ku daray in uu xaalka Guddoomiyaha uu wanaagsan yahay, goor dhoweydna uu ka soo tegay.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa mar kasta oo la weeraro waxay furaan rasaas tiro badan oo mararka qaarkood ay waxyeello ka soo gaarto Dad rayid ah oo wadada maraya ama guryahooda iska jooga, iyadoo taasina ay muujineyso tababar la’aanta heysata Ciidamada Dowladda Federaalka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, habeen hore ayay ahayd markii Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ay si aan loo qasdin u dhaawaceen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cali Faarax, kaasi oo rasaas lagu furay uu dhaawac fudud ka soo gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






