10 C
London
Monday, October 27, 2025

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo Shir ay Albaabada u xiran yihiin ku leh Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 10, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xarunta Baydhabo uu ka socdo kulan ay leeyihiin madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulankan oo ay ka qeybqaadanayaan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa ah mid ay albaabada u xiran yihiin oo saxaafadda loo diiday, inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in uu yahay kulan lagu dhexdhexaadinayo madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in uu kulankaas soo agaasimay kadib markii uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo beryahan khilaaf u dhaxeeya uu soo shaac baxayo.

 

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo if-baxay labo todobaad ka hor, iyadoo wararku ay sheegayaan in ay isku hayaan arrimo ku saabsan awood qeybsiga, baarista shidaalka iyo arrimo dhaqaale.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in uu damacsan yahay in uu kala diro Xukuumadda uu hoggaamiyo Prof. Geeddi sabab la xiriirta in Xukuumadda ay ka dhamaatay muddo labo sano ahayd oo la doonayay in ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka, inkastoo Ra’iisal Wasaarahana uu si weyn uga soo horjeedo arrintaas.

 

Qaar ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa aamisan in Xukuumadda Prof. Geeddi ay ku dhici karto labo qodob oo kaliya, kuwaasi oo kala ah in Baarlamaanka ay ka weyso 139 cod oo ay ku sii heysaneyso Kalsoonida iyo in ay iyada is-casisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa haddii uu Golaha Baarlamaanka go’aan ka gaari waayo waxa ay tahay in lagu wareejiyo  Golaha Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda sare ee Dalka, Hayeeshee waxaa weli xabsi ku jira Guddoomiyaha Maxkamaddaas Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo lagu soo eedeeyay in uu lunsaday lacag mushaarooyin ah oo  ay lahaayeen Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka, taasi oo cadadkeeda gaarayo 800,000US$.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).