Arbaco, October 10, 2007(HOL): Kulan dhexmaray Guddiga Ammaanka Qaranka, maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Ciidamo gaaraya 2000 oo Askari oo dhawaan tababar loo soo dhameeyay la geyn doono Suuqa Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Degmada Huriwaa.
Guddiga wuxuu sheegay in seddexdaas goobood ay yihiin meelaha ugu ammaanka daran Muqdisho, isla markaana ay xoogga saari doonaan sidii ay Ammaankooda uga shaqeyn lahaayeen.
Ciidamadan ayaa la sheegay in ay wataan gawaarida dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada, waxaana Ciidamadan dhawaan tababar loogu soo gebagebeeyay Dugsiga sare ee Booliska iyo Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska Carmo ee Gobolka
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in ay kulankii dhexmaray Guddiga Ammaanka Qaranka, Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir uu ahaa mid si weyn loogu lafo-guray ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo la isla gartay in goobahaas Ciidamo dheeraad ah la geeyo.
Maxamed Muxyaddiin waxaa uu intaas ku daray in goobahaas ay yihiin Goobaha inta badan lagu ugaarsado, saraakiisha Ciidamada Booliska, kuwa Nabad-sugidda iyo shaqaalaha kale ee Dowladda, sidaas darteedna la go’aansaday in ammaankooda la adkeeyo.
Dhawaan ayaa Muqdisho laga bilaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka, kuwaasi oo socon doona muddo 17 maalmood ah, inkastoo aan weli Ciidamada howlgallada sameynaya lagu arkin dhamaan Isgoysyada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






