10 C
London
Monday, October 27, 2025

Heshiis Hordhac ah oo laga gaaray Kulankii Ceelbuur uga socday Beelaha Xawaadle iyo Murusade

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 10, 2007(HOL): Dood iyo Falan-qeyn dheer kadib waxaa muuqanaya hishiis hor dhac ah oo ay gaareen wax-garadka Beelaha Murusade iyo Xawaadle ee ku shirsan dagmada Ceel-buur ee Gobalka Gal-gaduud sida uu HOL u xaqiijiyay C/laahi Suubiye oo ka soo jeeda dhinaca beesha Murusade.

 

Inkastoo markii hore kulanku uu u muuqday mid laseyku mari waayay kadib markii Wax-garadka beesha Xawaadle si kulul ugu eedeeyeen dhinaca Beesha Murusade in ay iyagu jabiyeen hishiiskii horay loo gaaray, ayaa ugu danbeeytii kulan gaar ah oo ay yeeshaan Odayaasha beesha Murusade waxaa ku aqbaleen Eedeynta loo soo jeediyay, waxaana la filayaa in wajiga soo socda ee shirka looga wada hadlo qasaarihii ka dhashay dagaaladii dhaxmaray labada beelood.

 

Cabdi C/dule Qujuc oo ka mid ah Gudoonka shirka ka socda Degmada Ceel-buur ayaa sheegay in labada dhinacba ku dadaalayaan sidii dagaal mar kale dhaca looga gudbi lahaa, waxaana uu intaa ku daray in Ugaasyada ka qeyb-qaadanaya kulanka xooga saarayaan fududeynta wax-yaabaha laysku mari waayo.

 

Waxaa sidoo kale xusid mudan miisaanka ay ku leeyihiin sidii  hishiis loogu gaari lahaa khilaafka labada beelood xubno ka tirsan labada dhinac oo ka yamid  dalka dibadiisa kuwaasoo ku soo biiray intii uu shirku socday sida uu HOL u sheegay Madaxa Xarunta Cilimi Baarista iyo Wada-tashiga Soomaaliyeed  CRD Max’ed Xasan Kulmiye.

 

Kulanka Degmada Ceel-buur oo ah mid siweyn isha loogu wada hayo ayaa dhinaca kale waxaa bar bar socda socdaalo Odayaal iyo Wax-garad ka tirsan labada dhinac ku marayaan goobihii ay ku dagaalameen maleeshiyada beelaha si markaa dadka reer miiga ah looga dhaa-dhiciyo Nabada iyo qiimaha ay leedahay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulanka oo la filayo in dhawaan la soo afjaro ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah si markaa meesha looga saaro colaada in mudo ah soo jirtay tasoo sababtay dagaalo ay ku dhiteen dad ku dhaw 60 ruux.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).