10 C
London
Monday, October 27, 2025

Kooxo hubeysan oo xalay Weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 10, 2007(HOL): Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Booliska Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.

 

Weerarkaas oo ahaa mid aad u xooggan oo madaafiicda la isugu adeegsaday laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sababay dhimashada Labo Ruux iyo dhaawaca Dad aan tiradoda la cayimin oo rayid u badnaa.

 

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay ku dileen weerarkii xalay labo Nin, ayna ka qaateen hubkii ay wateen, sidoo kalena mid ay dhaawac ahaan ugu qaadeen Isbitaalka Madiina uu halkaas ku dhintay.

 

Mar uu ka hadlayay khasaaraha soo gaaray Ciidamada Booliska ayuu sheegay in uu weerarkaas  kaga dhaawacmay hal Askari oo uu sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud, ayna xaaladdiisa wanaagsan tahay.

 

Dhanka Kooxaha Weerarka ku qaaday Ciidamada Booliska ma aysan sheegan wax khasaare ah oo soo gaartay iyo mid ay iyaga geysteen intaba, inkastoo aysan gebi ahaan jirin cid sheegatay in ay weerarkaas ka dambeysay.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka la hadal hayaa weerarkii xoogganaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo Dadweynaha Muqdisho intiisa badan ay maqleen daryanka Madaafiicdii ay labada dhinac isugu adeegsadeen.

 

Ugu dambeyntiina, 48-kii saac ee xalay ka horeysay ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) in Muqdisho ay nabad ahayd, nabaddaasna ay ku timid wada hadallo ay yeesheen Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Odayaasha Beesha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).