Arbaco,
Seddexda Nin ee la dilay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Boolis Dhar Cad ah oo u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in raggaasi ay ka tirsanaayeen ergooyinkii ka qeybgalay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Kooxaha dilay seddexdan Nin ayaa la sheegay in ay baxsadeen kadib markii ay dilka geysteen, iyadoo dad goob-joogayaal ahna ay sheegeen in ay ahaayeen lix Nin oo ku hubeysnaa Bastoolado.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ragga la dilay uu la socday nin kale oo cararay kadib markii uu arkay kooxaha doonayay in ay dilaan, iyadoo kadibna ay goobtaas gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo meydadkii halkaas ka qaaday.
Dilalka loo geysto Ciidamada Dowladda Federaalka, Shaqaalaha Dowladda iyo Dadka Rayidka ah ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho xiliyadii ugu dambeeyay, iyadoo dilkanina uu ku soo beegmayo iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay wadaan howlgallo ay ku sugayaan Ammaanka Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






