10 C
London
Monday, October 27, 2025

Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo meel wanaagsan maraya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 10, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud oo ay taallo gogol lagu heshiisiinayo Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo maleeshiyooyin ka tirsan ay dhawaanahan ku dagaalamayeen Deegaano ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in shirkaas uu meel wanaagsan marayo.

 

Shirka oo ku dhawaan muddo Todobaad ah  ka socda Xerada Shiikh Maxamed Faarax ee Degmada Ceel Buur ayaa lagu soo waramayaa in ay Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ay isu soo dhawaadeen, isla markaana ay isku af-garteen in la soo af-jaro colaadda labada Beelood dhexmartay.

 

Shirka oo ay ka qeybgelayaan Ugaasyada Beelaha Murusade, Xawaadle, Cayr iyo Duduble iyo weliba labo xubnood oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, kuwaasi oo ka soo kala jeeda labada Beelood ayaa waxay labada Beelood oo aaney jirin cid dhexdhexaadineysa waxay si saraaxad leh uga doodayaan waxyaabihii keenay colaadda iyo sida xal waara loogu heli karo colaaddaas.

 

Odayaasha ka socday dhinaca Beesha Xawaadle ayaa waxay sheegeen in ay Beesha Murusade ka dambeysay Colaadda dib u soo cusboonaatay, bacdamaa sida ay yiraahdeen ay dib u soo fageen God ay Boqorrada labada Beelood horay ugu aaseen Colaad horay u dhexmartay labada Beelood.

 

Sidoo kale Odayaasha Beesha Murusade oo aqbalay eedeynta loo soo jeediyay ayaa waxay iyana sheegeen in ay Beesha Xawaadle u diideen in ay biyo la cabaan, dhexmaraan, isla markaana ay la daaqsadaan Xoolaha.

 

Dood dheer oo labada beelood dhexmartay kadib ayaa waxay isaga garaabeen eedaha ay isu jeediyeen, waxayna isku af-garteen wixii horay u dhexmaray labada Beelood xalay dhalay laga noqdo, isla markaana aan la ogolaan in ay colaad dambe ka dhex-dhaco labada beelood.

 

Labada Beelood oo shirkooda uu dhawaan soo gebageboobi doono ayaa waxay haatan soo bandhigayaan Dadkii ay iska dileen intii ay colaadda socotay, iyadoo kadibna la filayo in shirka la soo gunaanado, isla markaana ay ka soo baxaan qodobo muujinaya heshiiska ay labada beelood wada gaareen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).