10 C
London
Monday, October 27, 2025

MAXAMED DHEERE: “Nabadda ka jirta Muqdisho 48-kii Saac ee la soo dhaafay waa mid ka dhalatay kulankii dhexmaray RA’iisal Wasaare Geeddi iyo Odayaasha Hawiye”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 09, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in xasilloonida laga dareemayo Muqdisho 48-saacadood ee la soo dhaafay ay ku timid kulankii dhexmaray Ra’iisul wasaare Geeddi iyo Odayaasha Hawiye.

 

Maxamed Dheere ayaa ka dhawaajiyay in xaaladda Muqdisho ay tahya mid aad u wanaagsan, marka laga reebo buu yiri qof si aan la garanayn loogu dilay Isgoyska Howl-wadaag.

 

“Nabadda ka jirta Muqdisho 48-kii Saac ee la soo dhaafay waa mid ka dhalatay kulankii dhexmaray  RA’iisal Wasaare Geeddi iyo Odayaasha Hawiye, kulankaasina wuxuu ahaa mid loo baahnaa oo wax ka taraya sugidda Nabadgelyada Muqdisho” ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka hadlayay Xaflad Muqdisho lagu qabtay oo  lagu xusayay sanad-guuradii 45aad ee ka soo wareegatay markii ay Uganda Xornimada qaadatay.

 

Maxamed Dheere  oo aan  isagu ka qeybgelin kulankii dhexmaray Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Odayaasha Hawiye ayaa u muuqday inuu taageersan yahay kulankaas, uuna soo dhaweynayo, inkastoo  uu dhowr jeer oo hore sheegay in nabadgalyo la’aanta ka jirta Muqdisho ay ka dambeeyaan odayaasha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad.

 

Maxamed Dheere oo u hanjbay odayaasha Hawiye waxaa uu sheegay in dhibaatada ay wadaan ay guryahooda ugu tagayso, ayna ka bixi doonaan Dalka, lana arki doono iyagoo ka soo ka soo hadlaya Eritrea, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Kulankii shalay ka dhacay Muqdisho ayay u arkaan Dadka Muqdisho inuu ahaa mid dhabbaha u xaari kara nabad ka dhalata Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo noqotay goob ay ku bateen dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo weliba weerarro hubeysan oo lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).