10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Xildhibaan Maxamed Qanyare oo Guddoonka Baarlamaanka Weydiiyay Sababta ay Fadhiyada Baarlamaanka uga maqan yihiin….

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 09, 2007(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu Guddoonka Baarlamaanka weydiiyay sababta ay shirarka Baarlamaanka uga maqan yihiin Wasiirro, Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku xigeenno aan dalka ka maqneyn.

 

Xildhibaan Qanyare oo hadalkiisa uu aad u kululaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in uu Guddoonka Baarlamaanka kala caddeeyo waxa ay ku maqan yihiin Xubnahaas, “waxaa jiro Nidaamiyayaal iyo Xogheyn uu leeyahay baarlamaanka, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo waxa ay ku maqan yihiin xubnahaas Baarlamaanka ku jira ee aan hadana ka soo qeybgelin fadhiyada Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Qanyare.

 

Xildhibaanka oo sii hadlayay waxaa kale oo uu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in la caddeeyo mudada uu Baarlamaanka shaqeynayo iyo mudada uu fasaxa leeyahay , isla markaana aysan sheekadu noqon Baarlamaanka wuxuu isu imaanayaa mar kasta oo ay Guddoonka Baarlamaanka u yeeraan Mudanayaasha.l

 

“Ma ahan in uu Baarlamaanka ku shaqeeyo fikir uu Qof leeyahay ee waa in waxa Baarlamaanka ku shaqeynayo ay noqdaan sharci”ayuu yiri Xildhibaan Qanyare oo ka biyo diidanaa in ay iska furnaadaan Fadhiyada Baarlamaanka, isla markaana ay Guddoonka Baarlamaanka u yeeraan Mudanayaasha xiligii ay doonaan.

 

“Waxaa laga hadlayaa Dardargelinta Howlaha Baarlamaanka, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo qaabka uu Baarlamaanka u wajahayo howlihiisa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaanka.

 

Ugu dambeyntiina, Xildhibaan Maxamed Axmed Kula-lihi oo isna dood ceynkaas oo kale ah qabay ayaa laga jooyiyay in uu ka soo xaadiro muddo labo todobaad ah fadhiyada Baarlamaanka kadib markii uu si shakhsi ah u weeraray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo uu ku eedeeyay in uu Baarlamaanka ka maqnaa muddo 9 bilood ah, xili mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka lagu eedeeyo  in ay fadhiyada ka maqan yihiin muddo dheer, isla markaana ay Xildhibaano kale xilkooda ku waayeen maqnaasho ay fadhiyada Baarlamaanka ka maqnaadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).