10 C
London
Monday, October 27, 2025

Sanadguuridii 3aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baydhabo laga xusayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 09, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas ka socoto qaban qaabo loogu jiro xuska sanadguuradii seddexaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku beegneyd 10-kii Oktoobar 2004.

 

Xaflad lagu weyneynayo munaasabaddaas ayaa lagu soo waramayaa in laga qaban qaabinayo Magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasina uu maalintii shalay ahayd gaaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in xafladdaas ay ka soo qeybgelayaan mas’uuliyiin ka socota Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen, kaasi oo marka laga soo tago xafladda uu ka soo qeybgelayo uu sidoo kale u imaanayo Magaalada Baydhabo sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuuusf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed oo uu khilaaf soo kala dhexgalay.

 

Maalinta berri ah oo ay Bisha Oktoobar 10 tahay ayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu buuxsameysaa seddex sano markii 10-kii Oktoobar 2004 lagu soo doortay Garoonka Kasarani Stadium ee Magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kaga guuleystay musharixiin badan oo jagadaas kula tartameysay.

 

Dhawaan ayay markii sidoo kale uu seddex sano jirsaday Baarlamaanka Soomaaliya oo isna lagu aas aasay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya 22-kii Agoosto 2004.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Axdiga KMG ah ee u degsan uu dhigayo in ay muddo 5 sano ah ka taliso Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxay gadaal marisay oo ka dhamaaday seddex sano oo ka mid ah shantii sano ee la soo doortay, iyadoo seddexda sano ee ay ka soo gudubtayna aan ku qaban wax la taaban karo oo ay ugu horeeyaan soo celinta nabadgelyadii, sharcigii iyo kala dambeyntii, iskaba daa in ay diyaariso Dastuurka Federaalka iyo in ay  Shacbka Soomaaliyeed Afti ka qaadee.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).