10 C
London
Monday, October 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo Baydhabo ku sii jeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 09, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay.

 

Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdi heer Wasiir ah oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka duulaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Baydhabo.

 

Shalay ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu gaaray Magaalada Baydhabo, iyadoo markii uu halkaas gaarayna uu bilaabay kulamo uu la leeyahay Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka.

 

Si rasmi ah looma faah faahin ujeedada socdaalka labadan Mas’uul, hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in khilaaf soo kala dhexgalay oo bannaanka u soo baxay lagu xalinayo Magaalada Baydhabo, iyadoo la leeyahay waxaa xalinta khilaafkooda mar kale Baydhabo u imaanaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu ku baaqay in uu Baarlamaanka dhexgalo Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda sare ee Dowaldda, kaasi oo sida uu yiri gaaray in laga falanqeeyo Warbaahinta.

 

Khilaafka soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haddii aan wax laga qaban waxaa uu soo gaabin karaa Cimriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay 2 sano oo kaliya, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in khilaafkooda uu ku soo beegmayo xili ay Dalka Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ogolaanshahooda ku yimid.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).