10 C
London
Monday, October 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo shir la yeeshay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isna Baydhabo Shirar kula leh Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 08, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeday Siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulanka uu Ra’iisal Wasaaraha la yeeshay Odayaasha Beelaha Hawiye, garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Nabad-sugidda Magaalada Muqdisho, iyadoo uu kulanka labada dhinac ahaa midkii ugu horeeyay ee dhexmara.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ay muddo ah raadinayeen sidii ay ula kulmi lahaayeen Odayaasha Beesha Hawiye, balse ay qadarneyd in ay maanta wada kulmaan, wuxuuna sheegay in ay lagama maarmaan u arkeen in laga wada hadlo dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan tan ka taagan Caasimadda Muqdisho.

 

“Waxaan ku jirnaa Tobankii ugu dambeeyay ee Bisha Barakeysan ee Ramdaan, Waxaana Allaah ka baryeynaa in uu Alle Dembigeena dhaafo, Ummadda Soomaaliyeed-na uu dhibaatada ka dul-qaado”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in ay Xaq isu raadinayeen oo aysan Xaq-darro isu raadineynin.

 

Sidoo kalena Guddoomiyaha Garab ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa isna kulankaas ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay nasiib wanaag tahay in ay maanta isugu yimaadeen in ay ka hadlaan dhibaatada heysata Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan tan u gaarka ah Beesha Hawiye, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

“Dhib weyn ayaa dhacay, waase Alle Mahaddiis in aan maanta isugu nimid in aan ka wada hadalno dhibaatada Dadkeena heysata”ayuuna yiri Maxamed Xasan Xaad oo dhawaan Ciidamada Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay tacaddiyo u geysteen Dad Rayid ah oo ku sugan Xaafado ay Ciidamadu ka howlgaleen.

 

Waxaa jira warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in uu socdo dadaal lagu mideynayo Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye, iyadoo dadaalkaasina ay wadaan Qaar ka mid ah Xildhibaannada Beesha Hawiye ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankii maantana ay goob-joog ka ahaayeen Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Saalax Cali Faarax, Salaad Cali Jeelle, Farxaan Cali, Cumar Dheere, , Avv. Gabyow iyo Yuusuf Mire Seeraar.

 

Dhanka kalena, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa saacado ka hor waxaa uu ka amba baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, isagoo gaaray Magaalada Baydhabo, halkaasi oo la sheegay in uu kulamo kula leeyahay Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka iyo weliba Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha ay ku saabsan yihiin kulamadaas.

 

Ugu dambeyntiina, Kulamada is-barbar socda ee ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay la kala yeelanayaan Odayaasha Beesha Hawiye iyo Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo muddooyinkan ay soo baxayeen Warar sheegayay in uu labada mas’uul u dhaxeeyo khilaaf ka dhashay dhinaca Awood qeybsiga, Dhaqaalaha iyo weliba Baarista Shidaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).