Isniin, October 08, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Baarlamaanka Soomaaliya horyimaadaan Madaxada Gobolka Banaadir iyo kuwa Nabadgelyada, si buu yiri wax looga weydiiyo waxyaabaha ay ka hayaan Magaalada Muqdisho.
“Baarlamaanka Soomaaliya marna iska eegan maayo waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho, wuxuuna u yeerayaa Madaxda Gobolka Banaadir iyo kuwa Nabadgelyada” ayuu yiri Prof. Dalxa.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waxaa uu sheegay in haatan ay meel gebogebo ah mareyso su’aallo weydiin lagu hayo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kadibna waxa la sugayo ay yihiin madaxda Gobolka Banaadir iyo kuwa Nabadgelyada.
Mar uu Guddoomiye ku xigeenka ka hadlayay hadal uu dhawaan sii daayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere, kaasi oo ahaa in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Nabadgelyada ay hoos-tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaraddana ay horay u jeedisay Waxqabadkeeda ayaa wuxuu yiri “Wasaaradda howsheeda waa Siyaasad, waxa maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Nabadgelyada la weydiinayana waa dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan oo ah kuwo muuqda”.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay ugu yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Taliyayaasha Booliska iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee kala ah Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Jen. Maxamed Warsame Darwiiish, hayeeshee ilaa haatan ma aysan hortegin Baarlamaanka Soomaaliya.
Lama oga in Madaxda Gobolka Banaadir iyo kuwa Nabadgelayda ay ka jawaabi doonaan farriinta uga timid Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay tegi doonaan Magaalada Baydhabo oo ay ku taalo Xarunta Baarlamaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






