Isniin,
Sida uu u sheegay HOL Cabdi C/dule Qujuc oo ah mid ka mid ah hoggaanka shirka u socda labada beelood waxaa la guda galay Wajigii labaad ee jirka oo ah in beeluhu si toos ah isku arkaan iyadoo aysan jirin cid dhax-dhaxaadineysa, waxaana uu intaa raaciyay in Ugaasyo ay ka mid ahaayeen Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Ugaas C/qaadir Ugaas Xaanshir (Faracade) iyo Ugaas Ciise Ugaas Max’ed furitaankii shirka ay kula dardaarmeen labada dhinac in leyska iloobo wax-yaabihii horay u dhacay Islamarkaana hada laga taliyo sidii loo bada baadin lahaa inta nool ee aan wali dhiman.
Wajiga labaad ee shirka oo ay beeluhu isku arkayaan ayaa waxaa si weyn looga doodi doonaa Qodobo ay ka mid yihiin waxa uu ku saleysan yahay khilaafka labada beelood iyo sida ugu fudud ee looga gudbi karo, waxaana xusid mudan in madasha shirka Degmada Ceel-buur ay ku soo biireen Xubno Aqoon-yahano ah oo ka yimid dalka dibadiisa kana kala tirsan labada dhinac ee wada hadlku u socdo.
Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur Max’uud Xuseen Afrax (Ilka Case ) oo u waramay HOL ayaa sheegay in ka soo qeyb-galyaashu u muuqdaan kuwo siweyn uga xun wax yaabihiin horay uga dhax dhacay labada beelood, sidaa daraadeed uu filayo in maalmaha soo socda la soo saaro go’aamo wax ku ool ah oo meeshana ka saaraya in mar kale dib u soo laabato colaada u dhaxeysa labada dhinac.
waxaa lagu wadaa in kulanku soo dhamaado inta aan la guda galin Bisha Soon fur sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah shir gudoonka oo dhinaca kalana sheegay in kulanku yahay mid ka duwan kuwii horay u dhax-maray labada beelood Rajo wanaagsana laga qabo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






