Axad, October 07, 2007(HOL): Waxaa maanta maalintii labaad ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya Howlgallo ay sameynayaan Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo meelaha ay ka howlgelayaan ka baaraya hub iyo waxyaabo qarxa.
Howlgallada ay Ciidamadan sameyanayaan ayaa waxay ka socdaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, gaar ahaan kuwa ku teedsan Wadada Warshadaha iyo weliba Deegaannada Ex-koontarool Balcad iyo Suuqa Xoolaha.
G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxafadda ayaa sheegay in saaka ay magaalada Muqdisho ka sii socdaan howlgallo Ammaanka lagu sugayo, isagoo caddeeyay in ay howlgallada yihiin kuwo lagu sugayo Ammaanka Muqdisho, isla markaana dadka looga uruurinayo hubka iyo waxyaabaha qarxa.
Howlgallada ay wadajirka u sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in ay Muqdisho ka socon doonaan muddo 17 maalmood ah, iyadoo xooggoodana ay si rasmi ah u bilaaban doonaan marka laga baxo bisha Ramadaan oo todobaadkan ku eg.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal ka waday Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waxaa lala beegsaday Qarax loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo qaraxaasina ay ku dhaawacmeen afar ruux oo rayid ah, kuwaasi oo marayay waddo u dhow halkii uu qaraxa ka dhacay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa in muddo ah waxay magaalada Muqdisho ka wadaan howlgallo ay amniga Muqdisho ku sugayaan, balse ilaa iyo haatan ma muuqdaan wax ay soo kordhiyeen howlgallada ay sameynayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






