Axad, October 07, 2007(HOL): Xarrakada Al-Shabaab oo sheegtay inay dagaallo hubeysan kaga soo horjeeddo Dowladda Federaalka Somalia iyo ciidammada taageera ee Itoobiya ayaa waxay daboolka ka qaadeen inay sameysteen afhayeen tabiya dhaqdhaaqa ay ka wadaan Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka tirsan.
Sida ay ku soo daabaceen Bog Internet ah oo ay ay leeyihiin Xarrakada Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen inay u doorteen afhayeen Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansoor) oo dhawaan isagu ka warbixiyay dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda.
Waxay sheegeen in Shiikh Abuu-Mansoor ay warbaahinta gudaha iyo midda dibaddaba ka qaadan karaan warbixinnada ku saabsan howgallada ay ka wadaan gudaha dalka, iyagoo sheegay in warka uu dhiibo uu yahay mid ka tarjumaya howgallada Xarrakada Al-Shabaab.
Sida ay ku shaaciyeen Website-kooda waxay sheegeen inay Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansoor) sannadihii 2001-2002, wuxuu tababar u tagay dalka Afghanistan, isagoo halkaas ku soo qaatay tababar dhammeystiran, dabadeedna dib ugu soo laabtay dalka isagoo billaabay inuu tababarro siiyo dhaqdhaqaaqa Xarrakada Al-shabaab.
Shiikha oo lagu sheegay qoraalka la soo dhigay boggooda inuu dhashay 1969-kii ayaa isagu ahaa abaabulihii xero tababar oo Xarrakada Al-shabaab ay ku lahayd Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo la sheegay inuu ka soo saaray Shabaab badan oo tababaran.
Xilligii Maxkamadaha ay talada kala wareegeen hoggaamiyeyaashii dagaalka ayuu ahaa ku xigeenka Madaxa Ammaanka, isagoo la sheegay inuu ka soo qaybqaatay dagaallo dhowr ah oo uu ka mid ahaa kii ka dhacay Muqdisho horraantii sanadkii 2006, kaasoo ay maxkamaduhu kula wareegeen awoodda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






