10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Aqoonyahannada Beesha Hawiye ee ku dhaqan Dalka Suudaan oo Doortay Guddigii cusbaa ee Sanadkan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 07, 2007(HOL): Waxaa dorraad lagu soo gabagabeeyay magaalada khartuom shir weyne ey isugu yimaadeen aqoonyahanada beelaha Hawiye ee ku sugan dalka Sudan.

Shirkaas oo lagu lafo-guray arimo fara badan oo ku saabsan Beelaha Hawiye iyo Xaalada Dalka uu marayo ayaa gabagabadiisii lagu doortay guddi cusub oo badaley kii hore, iyadoo sanada waliba la doorto guddi matala, kana arimiya howlaha u yaal Beelaha Hawiye, lana socda xaalka Waxbarasho iyo Caafimaad ee Ardayda ku sugan dalkan Sudan oo la dhihi karo waxaa Beelaha Hawiye ka jooga Arday aad u faro badan marka la barbar dhigo beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Gudiga Aqoonyahannada Beelaha Hawiye oo la aas-aasay sanaddii 1996-kii ayaa waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, iyadoo labo mar lagu sameeyay dib u habeyn dhanka dhismihiisa iyo waliba shuruucdiisa ah.

Waxaa xusid mudan in shirweynaha sanadka dib u haybeyn weyn lagu sameeyey Dastuurka iyo Qaab Dhismeedka maamulka Aqoonyahanada Beelaha Hawiye.

Gudiga Aqoonyahanada cusub ee dorraad la doortay ayaa waxa ay kala yihiin:

1- Cumar Maxamed Cumar (Biyoonde) Gudoomiye

2- Xuseen Sheekh Cabdisalaan Gudoomiye ku xigeen

3- C/wahaab Maxamed Xasan Xoghaye Guud

4- Maxamed Cali Cumar (Siyaasiga) Xoghayaha Arimaha Dibada

5- C/risaaq Axmed Rooble Xoghayaha Dhaqanka iyo Acedimiyada

6- C/risaaq Axmed Coomey Xoghayaha Maaliyada

7- Nuur Xaaji Cabdisamad Xoghayaha Warfaafinta

8- Maxamed Cabdi Sheekh Xoghayaha Arimaha bulshada iyo Isboortiga

waxaa kaloo la doortey Gole Shuuro oo ka Kooban 9 Xubnood oo uu Godoomiye u yahay Cumar Abshir

gudiga ayaa howlaha uu qabto waxaa ka mid ah:

1- in uu la socdo xaaladaha caafimaad iyo tacliinoo ay ku suganyihiin ardayda joogta dalkan sudan ee wax ka barta.

2- in uu deeqo waxbarasho u raadiyo dhalinyarta aan heysan tacliin ee ku sugan dalkii hooyo iyo waliba kuwa jooga dalalka shisheeye ee u baahan waxbarasho.

3- in uu wada xariiriyo aqoonyahanada beelaha hawiye meel waliba ay joogaan dalka iyo dibadaba iyo waliba jaaliyadaha dalalka shisheeye.

4- in uu laxariiro imaamyada ,ugaasyada ,garaadyada iyo siyaasiyiinta beelaha hawiye

5- in daraasad iyo cilmi baaris uu ku sameeyo dalka hooyo guud ahaan gaar ahaan deegaanada beelaha hawiye

6- wanaajinta iyo hormarinta xariirka beelaha hawiye iyo dhamaan beelaha soomaaliyeed ee suudaan jooga iyo waliba dalalka kale .

7-Dhiiri gelinta iyo hormarinta wax wada qabsiga dhamaan Aqoonyahanada Soomaaliyeed

waxaana isla markiiba xilka lagu wareejiyay gudigii cusbaa iyadoo halkaad looga oo jeediyay talooyin fara aad u qiimo badnaa .

Ugu danbeyntiina waxaa la ogeysiinayaa dhamaan aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka beelaha hawiye meel waliba oo ay joogaan waxii talo iyo tusaale ah in ay ku soo hagaajiyaan emailada ama talifoonada hoos ku qoran .

Xafiiska Golaha Fulinta
Khartoum Sudan

E-mail:aqoonyahanadahawiye@hotmail.com
Mobile: +249922818489 Gudoomiyaha
Mobile: +249122167951 Xoghayaha Guud

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).