13 C
London
Monday, October 27, 2025

Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameeyay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 06, 2007(HOL): Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa saakay waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku teedsan Wadada Warshadaha.

Ciidamada Howlgallada sameeyay ayaa saaka waxaa lagu arkayay gudaha xaafadaha ku yaala inta u dhaxeysa Deegaanka Carafaat iyo Isgoyska Ifka Xalan, inkastoo aan ilaa iyo haatan la sheegin wax ay ciidamadaas ku soo qabteen howlgalka ay sameeyeen.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee howlgalka sameeyay ayaa waxay xayireen isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Wadada Warshadaha, waxayna taasi saameyn ku yeelatay Dadkii iyo Gaadiidkii wadadaas isticmaali jiray oo saaka la arkayay iyagoo maraya waddooyin xaafadaha dhexdooda ah.

G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in howlgalka saaka ka bilowday Magaalada Muqdisho uu yahay mid socon doona muddo 17 maalmood ah, isagoo caddeeyay in howlgalladaas ay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka Muqdisho, isla markaana ay socon doonaan maalin iyo habeen.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shir ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay isugu yimaadeen Madaxda Maamulka Gobolka iyo weliba saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya lagu soo bandhigay qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira Qaraxyo, Iska hor-imaadyo hubeysan iyo dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).