Sabti, October 06, 2007(HOL): Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Max’ed oo siweyn ugu howlan dhax-dhaxaadinta Beelaha Xawaadle iyo Murusade ayaa u sheegay HOL isaga oo jooga Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud in rajo wanaagsan uu ka qabo guul laga gaaro kulanka u dhaxeeya wax-garadka labada Beelood.
Ugaas Xasan Ugaas Max’ed, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, iyo Ugaas Ciise oo dhamaan ka qeyb-qaadanaya dadaalka loogu jiro sidii loo soo afjari lahaa Colaada u dhaxeysa labada dhinac ayaa intaa ku daray in dagaalkii Qaraaraa ee dhax maray labada Beelood sanadihii aynu soo dhaafnay uu ahaa mid aan dhaafsiisneyn dadka Reer miiga ah, Islamarkaana wax-garadka labada Beelood ay ka qoomameynayaan.
“”Gogosha hada taala waxaa fidisay Beesha Murusade maadaama halka kulanku ka dhacayo tahay Degmada Ceel-buur taasoo cadeyn u ah in beeluhu raali ka aheyn in ay sii socto colaada u dhaxeysa ayuu yiri Ugaas Xasan oo u muuqday mid siweyn ugu kalsoon wada hadalada bilaabanaya.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa sidoo kale dhinaciisa sheegay in labada beelood ee Murusade iyo Xawaadle yihiin kuwo Ood-wadaag ah, sidaa daraadeed wax loo dul-qaadan karo aysan aheyn in khilaafkoodu sii jiro, isaga oo intaa sii raaciyay in ugu danbeytii la dhameyn doono wax yaabaha laysku hayo.
Degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud ayaa waxaa si isdaba joog ah u gaaraya wax-garad iyo odayaal ka kala socda beelaha kulanku u dhaxeeyo iyo waliba kuwa dariska la ah si markaa xooga loo saaro ka miro dhalinta hishiis buux oo laga gaaro colaada sababtay dagaalo dad badani ay ku dhinteen oo dhax-maray labada dhinac.
Ma’aha kulanka la filayo in uu ka furmo degmada Ceel-buur kii ugu horeyay ee dhinacyadu kaga wada hadlaan colaada u dhaxeysa lakiin Waxaa xusid mudan in mudo haatan laga joogo ku dhawaad labo sano kulan dhaxmaray islamarkaana ay hogaaminayeen Ugaasyada labada beelood lagu gaaray hishiis la sheegay in lagu soo afjaray Colaada beelaha, lakiin intaa kadib waxaa dhacay Dagaalo culus oo dadka ku dhintay lagu khiyaasayo in ay gaarayaan ku dhawaad 60 ruux.
Balse kan loo wada dhag-taagayo ayaa ah kan loo fadhiyo degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud oo ah mid marka dhan laga eego muujinaya biseylka laga gaaray dagaaladii dhacay, mar hadii laga wada qeyb-qaadanayo gogol ay fidisay mid ka mid ah beelaha colaadu u dhaxeyso oo ah taalaabo inta badan aan looga baran gudaha beelaha Soomaalida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






