13 C
London
Monday, October 27, 2025

Muqdisho oo loo qeybiyay Afar qeybood si Ammaankeeda loo sugo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 05, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda waxaa laga fulinayaa howlgal lagu sugayo ammaankeeda oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Go’aankan ayaa wuxuu ka soo baxay shir ay Xarunta Gobolka Banaadir ku yeesheen Madaxda Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya, iyadoo shirkaasina uu ahaa mid si weyn loogu lafo-guray qaabka loo sugi karo ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen in Magaalada Muqdisho loo qeybiyo Afar Qeybood oo kala ah Qeybta Waliyow Cadde, Qeybta Bartamaha, Qeybta Bari iyo Qeybta Galbeed.

 

Maxamed Muxyaddiin, Afhayeenka Gobolka Banaadir waxaa uu intaas ku daray in Afarta qeybood ee loo qeybiyay Magaalada Muqdisho madax looga dhigay Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir, iyadoo loogu kala qeybiyay sidan:

 

Degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Dharkenley waxaa madax looga dhigay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee Arrimaha Siyaasadda Cabdullaahi Xasan Ganey “Firimbi”, Degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab, Wardhiigley iyo Howl-wadaag waxaa madax looga dhigay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee Xagga Arrimaha Nabadgelyada C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye “Shaawey”, Degmooyinka Kaaraan, Heliwaa, Yaaqshiid iyo Shibis waxaa madax looga dhigay ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee Xagga Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur”, Degmooyinka C/casiis, Xamar Weyne iyo Shangaani waxaa madax looga dhigay ku xigeenka Guddoomiyaha gobolka ee dhinaca Howlaha Guud Cumar Aweys Nuur “Cumar Dacas”.

 

Shirkii looga hadlayay sugidd Ammaanka Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay qodobada ay ka mid ahaayeen:

 

In Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay subax walba warbixinno siiyaan Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, si ay iyana ugu sii gudbiyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ra’iisal-Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

 

In Ciidanka booliska loo helo hub wanaagsan oo ku filan iyo isgaarsiin tifaftiran si ay uga guuleystaan Kooxaha ka soo horjeeda, lana abuuro Ciidan Gurmad ah oo uu yeelanayo qeybta guud ee Booliska G/Banaadir, xarun-na looga dhigo Saldhigga 88, loona helaa gaadiid ah.

 

In suuqa Bakaaraha laga soo raraa Waratada ku ganacsata, loona raraa suuqyada loo diyaariyey ee Siinaay iyo Ceel Garweyne, Bakaarahana laga dhigaa jid iyo Bakhaarro si loo xakameeyo nabadgelyada suuqaas.

 

 In  askarigii ku dhinta howlgalka la siiyo qoyskiisa 5 Milyan oo Sh. So. ah, waxaana ballanqaaday bixinta lacagtaas maamulka G/Banaadir, iyadoo sidoo kale la ballan qaaday daweynta dhaawacyada soo gaara Ciidamada howlgelaya, halka Mushaarka Ciidamadana ay bixineyso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

 

Sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Wejiga koowaad ee howlgalka ay Ciidaman sameynayaan waxaa uu ka bilaabanayaa 52 Isgoys oo ka mid ah Waddooyinka Muqdisho, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay isla garteen in la helo gaadiid Tikniko ah oo gurmad ah, kuwaasi oo uu u dhameystiran yahay Shidaalkooda iyo Dayactirkooda.

 

Ugu dambeyntiina, Go’aannadan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha labada Ciidan oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka jirto nabadgelyo darro aan abidkeed soo marin, taasi oo salka ku heysa weerarrada u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).