13.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Diyaarad ka kacdey garoonka Boosaaso oo la afduubay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,04 October 2007(HOL):  War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in diyaarad ka kacday garoonkaas goor dhaweyd afduub loo geystay.

 

Diyaaraddan ayaa aheyd diyaarada inta badan qaadka ka keentay wadanka Itoobiya, iyadoo maalin kasta keenta magaalada Boosaaso tobonaan jawaan oo qaad ah.

 

Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf Faroole  ayaa xaqiijiyey falka diyaarada lagu afduubay waxaase uu ku sheegay falkaasi in uu yahay mid ku aadan muran ka dhex aloosan ganacsatada qaadka , iyadoo diyaaradu ay haatan fadhido garoonka diyaaradaha ee degmada Laasqorey ee Gobolka Sanaag.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in haatan ay socdaan dadaal balaaran oo ku aadan sidii arintan loo xalin lahaa, diyaaradana si deg deg ah loogu siideyn lahaa.

 

Ma jiro wax war ah oo kale oo soo baxaya oo ku aadan afduubka diyaaradan, shirkada diyaaradan u kireysan tahay ee qaadka oo aan isku daynay inaan la xiriirno ayay inoo suurtagli waydey inaan helno.

 

Isha Warka: Radio SBC, Boosaaso

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).