13.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Qarax iyo Rasaas ay Dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,04 October 2007(HOL): Labo ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay, 3 ruux oo kalena  dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay kooxo hubeysan oo ku sugnaa Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha ay Rasaas iyo Bambo gacmeed isugu dareen Ciidamo Boolis ah oo Aaggaas ku sugnaa.

 

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa haleeshay rasaas ay qaraxaasi kadib fureen Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, waxayna dadkaasi ahaayeen kuwo wadada socday oo uu kedis ah  ku qabsaday iska hor-imaadka hubeysan ee labada dhinac dhexmaray.

 

Qaraxaas iyo Rasaasta ka dambeysay ee ay is-weydaarsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxihii hubeysnaa ee ka soo horjeeday ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaq ganacsi oo si aan xowli ahayn uga socday agagaarka Shirkadaha Isgaarsiinta Muqdisho ee ku yaala Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, inkastoo saacad kadib uu xaalka caadi ku soo noqday.

 

Iska hor-imaadyada dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee weerarrada ku qaada ayaa had iyo jeer waxaa ku dhinta, kuna dhaawacma dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo guryahooda uga soo baxay in ay raadsadaan nolol maalmeedkooda.

 

Dhanka kalena, iska hor-imaad kale ayaa wuxuu saaka ku dhexmaray  Deegaanka Gubta  Kooxo hubeysan iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana halkaasi laga maqlayay rasaas xooggan oo ay labada dhinac is-weydaarsanayaan.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa had iyo jeer waxay sameeyaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, welina ma muuqdaan wax ay howlgalladaas soo kordhiyeen waayo waxaa maalin kasta Muqdisho ka dhaca Qaraxyo, Weerarro iyo Dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).