13.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Degmada Ceel Buur oo ay ka furmeyso Gogol Nabadeed oo lagu heshiisiinayo Beelaha Murusade iyo Xawaadle

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,04 October 2007(HOL): Degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud ayaa lagu wada saacadaha soo socda in  wada hadal Nabadeed uga furmo wax-garadka Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo dagaalo dhax-maray inta la og-yahay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 60 islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray tiro intaa ka badan.

 

Sida uu HOL u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur waxaa lagu wadaa in goor dhaw ay soo gaaraan Degmada Qaar ka mid ah odayaasha labada Beelood, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kala la filaya in madasha wada hadalka soo gaaraan duubabka dhaqanka labada beelood oo sida uu sheegay aqbalay marti qaad loo diray.

 

Odayaasha la filayo in ay ka anba baxaan Magaalada Beledweyne ayaa u sheegay HOL in gogashu tahay mid ay dhigeen dhinaca Beesha Murusade si markaa loo dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira,  iyaga oo intaa ku daray in filayaan guul ugu danbeytii laga gaaro kulanka labada dhinac.

 

Ugaas Xasan Ugaas Max’ed  oo ah ugaaska Beesha Ceyr horeyna ugu baaqay wada hadalka labada dhinac ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka mid noqdo duubabka lagu wado in ay ka qeyb-qaataan nabadeynta labada Beelood.

 

Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo ah labo Beelood oo ood wadaag ah ayaa colaada u dhaxeeysa lagu saleeyaa inta badan in ay tahay mid ka bilaabata wadaaga daaqsinka iyo deegaanka, walow dadka qaarkii ku macneynayaan dagaaladii ugu danbeeyay ee dhax-maray labada dhinac uu ahaa mid siyaasadeed.

 

Dhinaca kale Maalintii shalay ayaa la soo gabo gabeeyay wada hadalo ugu socday Degmada Feer-feer Wax-garadka Beelaha Xawaadle iyo Ciise-Mudulood kasoo intiisa badan lagu dhameeya khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac sida uu sheegay Nabadoon Xasan Nuur Qanyara Xasan Ciid oo ka mid ahaa odayaashii ka qeyb-galay wada hadalka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).