Arbaco, October 03, 2007(HOL): Waxaa goor dhaweyd lagu dilay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya wiil uu dhalay Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoof Axmed Diiriye ayaa markii la dilayay waxaa uu marayay Wadada 30-ka, gaar ahaan meel u dhow Isgoyska Baar Ubax, iyadoo kooxihi hubeysnaa ee dilayna ay baxsadeen markii ay dilka geysteen kadib.
Axmed Diiriye oo qudhiisa xaqiijiyay dilka wiilkiisa ayaa sheegay in geerida ku timid wiilkiisa uu u qaadanayo qadar Alle, inkastoo uu caddeeyay in uu aad uga xanuunsanayo dilka loo geystay wiilkiisa.
“Wiilka wuxuu watay Baabuurta BL-ka ah ee ka shaqeysa Wadada 30-ka, waxaana lagu dilay agagaarka Shirkadda Daallo”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in wiilkiisa uu ahaa qof aan takano isku ogeyn oo iska xamaalato ah.
Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in uusan sheegi karin kooxihii dilay wiilkiisa, hayeeshee wuxuu sheegay in lagu wargeliyay in ay ahaayeen kuwo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo dhowr xabadood madaxa uga dhuftay.
“Qof kasta waa dhimaneysaa, wiilkeygana waxaa dishay gacan ka xaq daran, waxaana is-leeyahay faa’iido buu qabaa haddii uusan geeriyoon isagoo sariirtiisa jiifa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Diiriye oo sheegay in Wiilkiisa oo da’diisa ay u dhaxeysay 25-30 sano uu ka geeriyooday Xaas Uur leh.
Dilka loo geystay Wiilka Axmed Diiriye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay magaalada Muqdisho ka dhacaan dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay dilaan kooxo hubeysan oo aan la ogeyn ujeedada ay dadka u dilaan.
Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu ka mid yahay Odayaasha Beelaha Hawiye ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, waxaana mar kasta la maqlaa isagoo cambaareynaya tacaddiyo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay u geystaan Dadka Muqdisho ku nool.
Mar sii horeysay ayay ahayd markii wiil uu dhalay Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiyaha Garab ka mid ah Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye lagu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisana ay sidoo kale ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo raadsanayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






