12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Dab Goor dhaweyd ka kacay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 02, 2007(HOL): Goor dhaweyd ayaa Suuqa Bakaaraha waxaa markii shanaad ka kacay  Dab baabi’iyay qeybaha Rinjiga, Maacuunta, Kutubta iyo Bacadlaha, iyadoo uu dabkaasina geystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

 

Dabkan oo ahaa mid xowli ku socday ayaa wuxuu ku sii siqayaa qeybta Bacadlaha sabab la xiriirta dabeyl xooggan oo Dabka sii hurineysa aawgeed, ilaa iyo haatanna ma jirto cid isku howleysa damintiisa.

 

Lama oga ilaa iyo haatan waxa sababay dabkaas, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in qeybaha gubanaya dab la qabadsiiyay, halka warar kalena ay sheegayaan in meelaha dabku ka bilowday ay ku dhaceen Madaafiic daqiiqado ka hor intii uusan dabka bilaaban laga maqlayay duleedka Suuqa Bakaaraha, iyadoo madaafiicdaasina ay is-weydaarsanayeen oo u dhaxeysay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 



Dad fara badan oo isugu jira kuwo doonaya in ay hantidooda badbaadsadaan iyo kuwo kale oo doonaya in ay wax bililiqeystaan ayaa markii uu dabkaas kacay kadib waxay ku yaaceen Suuqa Bakaaraha, waxayna dadkaasi haatan is-faro-saarayaan Ciidamo Boolis ah oo iyana Suuqa soo galay si ay dadka wax bililqeysanaya u kala eryaan.

 

Ma jiraan Dab demisyo ama ugu yaraan Booyadaha biyaha oo lagu baqtinayo Dabkaas, iyadoo dhanka kalena ay aad ciriiri u tahay meesha uu dabku ka kacay, isla markaana haddiiba la helo wax dabkaas lagu demiyo aaney suurtagal ahayn in ay galaan.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Suuqa Bakaaraha gubto, wuxuuna horay u gubtay  muddo afar jeer ah, iyadoo inta jeer ee uu gubanayayna ay ku hanti beelayeen Ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariin Gabeyre oo intii uu socday dabkaas saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay Ciidamada Dowladda Federaalka ee Suuqa ku sugan in ay ka hortagaan kooxaha wax bililiqeysanaya, sidoo kalena ay Ciidamada Rasaasta ka daayaan dadka doonaya in ay hantidooda badbaadsadaan.



Dhanka kalena, iska hor-imaad hubeysan ayaa caawa maqribnimadii waxaa uu deegaano ku teedsan Wadada Warshadaha uu ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaal xooggan ayaa kooxo hubeysan waxay ku qaadeen fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee kala ah Xeradii Guul-wadayaasha iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, waxayna dadka deegaankaas ku dhaqan sheegeen in iska hor-imaadkii caawa dhacay uu ahaa kii ugu xoogganaa.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxaha Hubeysan ee weerarrada ku qaada Ciidamada Dowladda Federaalka ay dagaal ku qabsadeen Saldhigga Degmada Hodan, Isla markaana ay halkaasi ku gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa iyo weliba Saldhigga laftiisa.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).