11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Iska hor-imaad xalay ka dhacay Degmada Marka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 02, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa uu magaaladaas ka dhacay iska hor-imaad hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Gobolka iyo Kooxo Maleeshiyooyin ah.

 

Iska hor-imaadkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Buufow, waxaana uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo kale, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Marka.

 

Iska hor-imaadka xalay ka dhacay magaalada Marka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore rasaas lagu furay Guriga uu Degmadaas ka degan yahay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur, inkastoo uu Guddoomiyaha sheegay in rasaasta gurigiisa lagu furay ay u dhaxeysay Ciidamada Gobolka iyo Ilaalada gurigiisa.

 

Muddooyinkan dambe ayaa falal nabadgelyo darro ah waxay ku soo badanayeen deegaano dhowr ah oo ay ku jirto magaalada Xarunta ah ee Marka, dhawaan ayayna markii deegaanka No. 50 lagu weeraray Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose ninka lagu magacaabo Nuuriye Cali Faarax, iyadoo ka sii horna ay kooxo hubeysan toogasho ku dileen Taliye ku xigeenkii Booliska Degmada Marka.

 

Falalka Nabadgelyo darrada ah ee ku soo badanaya Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay ragaadinayaan dadaal ay wadaan Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Beelaha Wada dega Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo muddooyinkan ku howlanaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadyada Beelahaas u dhaxeeya, kadibna meel looga soo wada jeesan lahaa amni darrada ka jirta Gobolka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).