Talaado, October 02, 2007(HOL): Shabakadda Warbaahinta shabelle ayaa maanta dib ugu soo laabatay hawada 15 maalmood ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay soo weerareen xarunta idaacadda oo albaabada ay isugu dhufteen.
Idaacadda Shabelle ayaa maanta abaaro 12:00 PM hawada dib ugu soo laabatay, iyadoo dhageystayaasheeda iyo aqristayaasheeda bogga Internetka ay ugu bishaareyneyso in ay si toos ah ugala socon doonan wararka iyo barnaamijyadii ay uga barteen idaacadda.
Dib u soo hawo-galidda Idaacadda Shabelle ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamadii xanibay howlaha idaacadda ay ka guureen wadooyinka soo gala xarunta idaacadda.
Idaacadda shabelle oo ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howl-gala gudaha dalka
Maamulka shabakadda warbaahinta shabelle ayaa sheegay in aysan waxba u dhimi doonin howlaha idaacadda mudadii ay xanibeen.
18 kii bishii September ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ay weerar toos ah ku soo qaadeen xarunta idaacadda, iyagoo rasaas la beegsaday dhismaha xarunta iyo dariishadaha, taasina ay sababtay in idaacadda ay hawada ka baxdo.
Rasaastii lala beegsaday xarunta ayaa waxa ay sababtay qasaaro soo gaaray qalabka iyo dhismaha idaacadda oo qiimo ahaan lagu qiyaasay in ku dhow 50 kun oo Dollar.
Isha Warka: Radio Shabelle






