Isniin, October 01, 2007(HOL): Ciidamada Dowlada federaalka ee Magaalada Beledweyne ayaa xabsiga dhigay Gacan ku dhiigle si ula kac ah u dilay Wiil yar oo ka mid ahaa dhalinta ku shaqeysata caseeyaha kadib markii ay isku maan dhaafeen bixinta lacag wiil ka geeriyooday uu ka doonayay gacan ku dhiiglaha kadib markii uu Kabaha u caseeyay.
Sida ay sheegeen dad goob joog ahaa markii uu dalku dhacayay Gacan ku dhiiglaha ayaa ku amray Wiilka yar ee geeriyooday in uu lagac ahaan u qaato Caalmaha Qaat uu markaa cunayay, lakiin waxaa taa ku gacan seyray Marxuubka geeriyooday oo ka codsaday in uu siiyo lacagta uu ku leeyahay oo aheyd 1000 Sh. So. taasoo markii danbe keentay Gacan ku dhiigluhu in uu Toorey ku dilay Wiilka geeriyooday..
Dilkan oo ah kii ugu horeyay ee noociisa ayaa waxaa siweyn u canbaareeyay hay’adaha Dooda Xuquuqda Aadanaha oo sheegay in shaqsiga dilka geystay la horkeeno cadaalada, si markaa loo waafajiyo sharciga islaamka.
Marka laga hadlayo Xuquuqda ay leeyihiin caruurta waxaa la
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






