11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Taliska Booliska oo ka warbixiyay weerar xalay lagu qaaday Fariisin ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 01, 2007(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka warbixiyay weerar xalay lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Xeradii Guul-wadayaasha ee Magaalada Muqdisho.

 

G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliya u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaaday Ciidamada Dowladda uu fashilmay kadib markii sida uu yiri ay Ciidamada ka war-heleen in weerar lagu soo yahay, kadibna ay ka hortageen kooxihii soo weerarayay oo uu sheegay in ay kala carareen markii ay rasaas kaga bilaabatay meel aysan fileynin.

 

C/waaxid Maxamed Xuseen waxaa uu intaas ku daray in marka laga reebo weerarkaas fashilmay ay dhanka kale Xaaladda Magaalada Muqdisho xalay deganeyd, isla markaana aysan ka dhicin falal nabadgelyo darro ah.

 

Afhayeenkan u hadla Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa uu intaas ku daray in dhawaan is-bedel weyn oo dhinaca ammaanka ah laga dareemi doono Magaalada Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haatan la diyaariyay Ciidamo cudud leh oo loogu talagalay in ay sugaan Amaanka Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhacayay iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda iyo weliba dilal aamusan oo loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).