Isniin, October 01, 2007(HOL): Waxaa xalay meel u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dhaawacay Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Xaaji Caddow Raage Taakow, kaasi oo xiliga la dhaawacayay ku sii jeeday Degmada Jowhar.
Kooxo hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa la sheegay in ay tacshiirad ku fureen Gaari uu watay Guddoomiyaha, waxaana halkaas ku dhaawacmay Guddoomiyaha oo garabka ay rasaas ka haleeshay iyo Darawalkii Guddoomiyaha oo isna uu dhaawac culus ka soo gaaray dhanka madaxa.
Dhaawaca Guddoomiyaha Degmada Mahadaay iyo Darawalkiisa ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Jowhar, iyado la sheegay in Guddoomiyaha uu xaalkiisa hagaagsan yahay balse uu liito Darawalkiisa.
Dhawaan ayay ahayd markii Aafar mas’ul oo ka tirsan Maamulka Tuulada Ceel Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay guri ku yaala Degmada Yaaqshiid, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan faah faahin laga bixin sababtii loo dilay iyo ciddii dilkooda ka dambeysay intaba.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






